Home / Somali News / War-saxaafadeed: Cabasha ka dhan ah G/xigeen hawlaha guud ee B/Banaadir

War-saxaafadeed: Cabasha ka dhan ah G/xigeen hawlaha guud ee B/Banaadir

Mogadishu(Faanoole)-Lifaaqa hoose waxa  uu ka hadlaya cadaalad daro laga tabanayo gudoomiya xigeenka dhanka hawlaha guud ee gobalka Benaadir, taasi oo ku aadan dhul ku yaala degmada Kaxda ee gobalka Benaadir

WARSAXAAFADEED

Ku: Dhamaan warbaahinta kala duwan ee Dalka gudihiisa iyo Dibadiisa   30/11/2017

Ujeedo: Cabasho Caddaalad darro aan ka tirsanayo Gudoomiye xigeyka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir  

Maanta oo ay taarikhdu tahay 30 November 2017 waxa aan an shir ku qabaney Dhulkayaga dhaxdiise anaga oo iskugu jirna Goofley Reer Xuseen Yuusuf, Milkilayaasha Reer Muuse maxamed Yusuf  Odey  dhaqmeydyo  iyo Cuqaal dhulka oo ku yaala Degmadda Kaxda KM12 Wadada Xamar iyo Afgooye waxa aan si wadajir ahna uso saarney dhanbaalkan:

Waxa aan ka cabaneyna cadaalad daro ba’an uu nagu hayo Gudomiye Xigeyna Gobolka Banaadir ee Howlaha Guud Aadan sheikh Cali Fiidow Taariikhdu marka ay ahayd 10/09/2017 waxa Go’aan kaso baxey Gudiga Khilaafadka iyo Dhulalka laisku heysto ka oo aha dacwad ka dhaxeysey Muuse maxamed Yusuf Dacwoode iyo Axmed Cabdi Xaabsade Dacweysane, Dacwadan oo lasugayey mudo ku dhow Afar (4) Sanadod aya Guddiga waxa u go’aakoda ku cadeeyen in Dukumintiga Cabdi Axmed Xabsade uu wato yahay Faalso ama Been abuur cida dukumintiga sax ah oo kaso baxey dowladda hoose uheystana u yahay Muuse Maxamed Yusuf , Gudiga galka uu sodirey waxa u soo marey dhaman xafiisyadi ku shaqada laha ee Gobolka Banaadir sida Xafiiska Agaasimaha Waaxda Farsamada waxa una kuso laabtey Xafiiska Gudomiye Xigeynka Howlaha Guud waxa una si bareer ah inagu yiri ma u gudbinayo Go’aankan Gudomiyaha Gobolka Banaadir halkana waxa kacad cadaalad daro sababto ah go’aan kaso baxey Gudiga Khilafadka oo si toos ugu socoto Gudoomiyaha Gobolka banaadir in Fiidow yiraahdo ma gudbinayo waxan u aragna in sharciga u gacantisa ku qaatey waxana xasuusineyna in cid sharciga kasareysa aysan jirin.

Hadaba waxan halkan baaq uga jeeedineyna Madaxda Qaranka oo ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo kuna xigo Raiisulwasaare Khayre iyo Gudoomiye Taabid oo arintan sida tosska ah u quseyso madama halka cadaaladarada ka dhaceyso ay tahay Gobolka banaadir u asaga Duq magaalo kayahay, waxan Madaxda ka codsaneyna Cadaalad dhab ah hantidena aya halkan ku babasan oo lagu burburiyey wilina waxan ku tuhmeyna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cadaalad balse wey adagtahay si aan ku helno cadaalada, madama dadka ka hoos shaqeyo aysan uso gudbineynin xaqiiqda dhabta ah, anagana aanan heli Karin balan aan kugu aragno, Gudoomiye dhulkayaga cidna ugama tanaasuleyno inan sharciga u hogansanana diyaar ayan u nahay balse musuqmaasuq iyo in dukuminti falso ah dhulkena lagu qaato ma aqbaleyno.

Waxan mar labaad ka codsaneyna madaxda Qaranka in arintan wax ka qabtan inta aysan gacanta kabixin dhiigna ku daadan, manta ayey wax qabadledahay wadna ku mahadsantihiin waxana idinka fileyna cadaalad dhab ah oo xaq ah cadaalada aya nawadeqda.

Reer Xuseen Yuusuf                           _________XasanXuseen Reer Muuse Maxamed Yusuf                     _________________________

Orey Dhaqmeryada                            _________UgaasBashiir__

Cuqaasha                                            _______maxamedcali ____

bty
bty
bty
bty
bty
bty
bty

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *