Home / Humanitarian News / Madaxwynaha Kenya ayaa ku tilmaamay abaarta dalkiisa, Musiiba Qaran

Madaxwynaha Kenya ayaa ku tilmaamay abaarta dalkiisa, Musiiba Qaran

Nairobi(Faanoole)-Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Jimco ah ku dhawaaqay in abaarta ku dhufatay dalkiisa ay tahay ‘Musiibo Qaran’ ayna saamaysay dadka, duunyada iyo duur-joogta intaba.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale digniin u dirir hay’adaha shaqada gurmadka abaaraha wada in aysan ugaga faa’idaysan xaaladaha dadka ay haystaan, haddii lagu helo dambi musuq iyo wax is-daba marina lala tiigsan doona sharciga.

“Si dhaw ayaan ula soconeynaa xaaladaha si loo xaqiijiyo in sida hawsha loo qabtay in ay tahay si hufnaan ah”, ayuu yiri.

Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa gobalka geeska Africa ee ay abbaaraha aadka u saameeyay, taasi oo galaafatay nolosha iyo xoolahii ay dadka raacayeen, waxaana aad u yar gar-gaarka beni’aadinimo ee ay heleen adkaas.

Faanoole.Com

faanooleweb@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *